Waxa xalay lagu saxiixay Garoowe qodobo laga yaabay oo raiisal wasaaraha Somaliya oo ka soo jeeda Puntland uu la galay Cabdiwelli Gaas. Hadaba waxaan eegaynaa qodobada qaar oo hal dhinac dan u ah iyadoona ka dhigeysa dadka kale ee deegaanka mid hoostaga Cabdiweli Gaas inkastoo ayna ku jirin maamulkiisa.
Qodobada ina C/rashiid saxiixay waxa ku Jira in: la dhiso gudiyo doorasho oo hadaba Jira laakiin lagu sheegay mid ay u dhan yihiin maamul jufeedyada dabcan maamul jufeedyada kale muran ma qabaan wayna ogol yihiin kuwa hadda Jira ee barlamaanku ansixiyay.
Waxa kale oo muran xoogan keenaysa in xubnaha Puntland uga qaybgalaya barlamaanka cusub lagu soo doorto Garoowe kaliya dabcan Puntland waxay sheeganaysaa dhulka Khaatumo oo iyagu ka go’ay waxayna cadaalad xumo ku tahay reer Khaatumo in Garoowe tagaan.
Waxa ku Jira qodob sheegaya in xulista xildhibaanada barlamaanka uu ka dhaco caasimadaha maamul jufeedyada hadda Jira taas oo ka dhigeya in Galmudug ayna ka dhici Karin doorasho, muran badanina ka jiro dhulka Puntland sheeganayso iyo waliba maamul jufeedyada kale ee Jira sida Koofur galbeed iyo Jubba oo dadka qaar ayna tegi Karin.
Puntland ayaa ku darsatay qodob cidii dhulkeeda amni awgeed ayna ka dhici Karin doorasho in iyadu marti geli doonto taas oo ayna yeelayn qabiilada kale in ay marti u noqdaan Cabdiweli Gaas.
Isku soo wada duubaa waxa Iyana heshiiskan Cabdiweli Gaas uu ka dhigtey damaanad qaade Itoobiya taas oo Iyana dad badan ayna ogoleyn in shisheeye soo dhexgalo. Lama garan karo wuxuu u doortey Itoobiya.
Cabdiwelli Gaas ayaa ciyaaray siyaasad jujuuba oo dad badan oo aan ogoleyn isaga hoos keenaysa muran iyo buuqna ku dhalinaysa maamul jufeedyada inkastoo ayna iyagu ku jirin sheekadan qaybna ka ahayn saxiixida maadaama ay u dhaxayso cida saxiixdey kaliya ee ayna ahayn mid guud oo la raacayo.
Maxamed Yuusuff
ARAABINEWS