Qoraal lacag looga guranayo qurbajoogta ku wajahan garoonka Hargeysa xagaagan oo wareer ka jiro. Waxa soo baxaya war lagu qorey af-Ingiriisi oo la sheegayo in uu soo saaray wasiir Sacad Cali Shire laakiin nin kale ku saxiixan yahay.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in qurbajoogta ku soo wajahan xagaagan garoonka Hargeysa ee wata baasaboorka Siilaanyo haysto oo kale in laga rabo fiise lacagtana laga bixiyo London iyo wadamada Yurub iyo Maraykan.
Qurbajoogta ka soo jeeda Hargeysa iyo Burco ee isticmaala garoonka Hargeysa ayaa durba ku qosley qorshahan lacagta looga guranayo dad u soo noqonaya dadkooda oo Somali ah oo raba in shilimaad ula soo noqdaan deegaankooda.
Lama hubo in warkaan ka soo baxay wasiirka iyo Siilanyo oo labaduba wata baasaboor ajaaniba.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS