Qorshaha lagu soo saarayo wiilasha Tayland ee ku jira buurta hoosteeda oo bilaabey. Masuuliyiinta Tayland ayaa cadeeyay in 18 quusayaal ah ay galeen godka buura hoosteeda ee wiilasha iyo macalinkooda uu ku jiro si loo soo saaro.
Waxay qaadan doontaa 11 saacadood in wiilka ugu horeya la soo saaro waayo waxa la sii soconayaa 6 saacadood iyo shan saacadood oo soo noqoda. Wiilka ugu horeeya ayaa la filaayay saacad kahor ama 9:30 saacada geeska Afrika.
Khatarta godkan dheer ee buurta hoosteeda ayaa ah inay ka buuxaan guntiisa biyo meelaha banaan ee la mari karaayana ay yihiin ciriiri dhagxaan fiiqan soo jeedaan ayuu yiri badhasaabka deegaanka.
Waxa godka hoostiisa u dhaadhacay 14 ajaanib ah iyo shan quusayaala oo ah buu yiri kuwii ugu fiicnaa Tayland ay haysatay.
Waxa la sugaa waa wiilka ama labada ugu horeeya oo la soo saaro saacadaha soo socda haddii waxkasta caadi noqdaan. Wiilasha qaar ayaa la filayaa inay quusaan biyaha hoosteeda.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS