Waxa magaalada Gaalkacayo soo gaaray boqol qoys oo ka soo cararay dhiigmiiratada shabaab deegaanada ay ka joogaan gobolka Mudug. Dadkan oo u badan maato haween iyo caruurtoodiiya ayaa argagixisadu xuurto ku haysay.
”Dhibaato horleh ayay nagu hayeen markaan joogi kari waynay ayaan ka soo cararnay balaayada ayay tiri hooyo Xaawo oo wadata sadex caruura.
Maaha markii ugu horeysay oo dadka shacabka ah ay ka soo cararaan argagixisada. Dadkaan ayaan inta badan helin adeega ay u baahan yihiin maadaama maamulada ay hoos joogan ayna waxba ku dhaamin musuq baahsanina ka jiro.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS