X

Rag loo soo qabtey dil argagixiso xalay ka fulisay Muqdisho

Rag loo soo qabtey dil argagixiso xalay ka fulisay Muqdisho. Argagixisada oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay Marxuum Muuse waxa ay ku dileen agagaarka xarunta Gobolka, kadib waxa ay ka baxsadeen goobta, sida dadka degaanka ay sheegeen.

Ciidamada amniga ayaa tiro dhalinyaro ah u soo qabtay dilkii xalay xaafada Koodka ee degmada Xamar Weyne loogu geystay Muuse Mackow oo ka mid ahaa Ganacsatada suuqa weyn ee ku yaalla gudaha degmadaasi.



Raggii Ciidamada ay gacanta ku dhigeen ayaa waxaa la geeyay saldhiga Galbeed ee degmada Dharkeynley, si baaritaano loogu sameeyo, sida ay sheegeen saraakiisha Hay’adaha ammaanka.



“Waxaan Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Ciidamada ammaanka uga mahadcelinayaa sida deg deg ah ee ay uga jawaabeen shaqaaqo yar oo ka dhacday Xamar Weyne, dadka dilkan loo soo qabtay baaris ayaa ku socota, arrintan waxa ay ka timid wada shaqeynta Taliyeyaasha iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka, shacabka waxaan ka codsaneynaa in ay la shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka.” Ayuu yiri Eng. Yariisow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.