Sidii dagaalada argagixisada uga bilaabmeen dalalka Carabta waxa aad u soo batay Carabta Khaliijka oo caruur u soo doonta dalalka argagixisadu burburisey sida Siiriya. Muuqaalkan hoose waxaad ku arkaysaan nin weyn oo loo siiyay gabar yar oo 12 Jira oo goob suuqa oo dadku badan yihiin sawiro looga qaadayo.
Dabcan muuqaalkani waa LA MATALAY ninkanina lama siin wuxuuse eegayaa sida dadka maraya suuqa ay uga rogaal celiyaan ficilka waxase la yaab noqotey in dad yari hambalyo u direen halka qaarna caayeen kuna dhaarteen in ay biuyaha u tuuri doonaan, halka haweenay ay u qaadan wayday ayna sheegtay in ay ilmaha yar gurigeeda gaynayso.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS