X

Raggii diley isla mrkaana kufsaday Caasha Ilyaas oo xukun ku dhacay

Maxkamad ku taal Garoowe ayaa xukun ku haboon ku ridey raggii diley isla markaana kufsaday gabadhii yarayd ee Caasha Ilyaas sadex bilood ka hor. Kiiska Caasha Ilyaas ayaa waxa ka qayiyay mushtamaca Somaliyeed oo dhan weliba sida loo jarjaray jirkeeda.


Maxkamada ayaa markey eegtay kiiskan foosha xun ayaa waxa ay dil toogasho ku xukuntey ragga magacyadooda hoos ku qoran oo xataa da’dooda aad ka yaabayso. Waxayna kala yihiin.
Cabdifataax Cabdirahman Warsame 24 sano jir
Cabdisalaan Cabdirahman Warsame 32 sano jir
Cabdishakuur Maxamed Dige 46 sano jir


Qosyka Caasha Ilyaas ayaa magaalada Gaalkacyo uga Guuray Dhibkii gaadhay, Iyadoona Hooyada dhashay iyo Caruurteedu ay hada ku sugan yihiin magaalada Wardheer ee Somali galbeed. Halka Aabaha dhalay Caasha ilyaas uu Arinta kiiskan u joogay magaalada Garoowe.


Waxa dad badan is weydiinayaan in xukunkan Siciid Deni fulin doono iyo in kale iyo sheeko qabiil lala hoos gali doono.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.