X

Ragii hogaaminaayay qaraxyadii maanta oo gacanta lagu dhigey iyo wasiir tacsi direy

Wasiirka warfaafinta ayaa ka tacsiyeeyay geerida weriye Cawil Daahir Salaad oo argagixisadu ku duishey qaraxii ka rideen Muqdisho saaka. Dhinaca kale waxa jira inay sii kordheysa tirada xasuuqii maanta maadaama goobta ay la eegteen ay ahayd wado mashquula.


Hay’adda sirdoonka ayaa iyana sheegtay in Ragii hogaaminaayay qaraxyadii maanta ay gacanta ku dhigeen xilli ay sheegeen in gaari qarxay ayadoo argagixis gacanta lagu hayo.


Argagixisada ayaa marka la qabto aad u fuleysan wejigoodana ay ka muuqata dad aan xasuuq gaysan, waxana kuu cad in haba yaraatee diin shaqo ku lahayn.

Argagixisada hay’aduhu qabtaan ayaa waxa ka daba yimaada qabiilada ayagoo leh sii daaya, ayna dhacdaa marar badan in la sii daayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.