Raiisal wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa xilka maanta ku wareejinaya haweenayda lagu magacaabo Theresa May oo 59 jir ah. David Cameron ayaa ku guuldaraystey in uu dadka Ingiriiska ka dhaadhiciyo in ay ka sii mid noqdaan Yurub.
Inkastoo tani soo afjartey khilaafyo ka Jiri jiray xisbigiisa waxa weli jirta muran taagan sidii talaabadaa dadku u codeeyeen loo hirgelin lahaa. Haweenayda May ayaa galabta saacada Ingiriiska la warewegi doonta iyadoo la filayo in ay soo dhisi doonto koox cusub oo wasiiro ah.
Waxay haweenaydani diidey in ay qabato doorasho ilaa inta arinta Yurub meel u dhacayso. Sawirka hoose oo tilmaamaya David Cameron oo ka guuraya aqalkii uu deganaa ahna kan ay u hoydaan madaxda dalka Ingiriiska.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS