X

Raiisal wasaaraha Ingiriiska oo laga duubey isagoo laba wadan wax ka sheegaya

Raiisal wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa laga duubey isagoo laba dal ka sheegaya wax aad u foolxun. Raiisal wasaaraha oo la hadlay boqorada Ingiriiska ayuu warkan soo baxay. Boqorada Ingiriiska lafteeda ayaa markale laga xigtey iyadoo iyadna wax ka sheegaya dal;ka Shiinaha.

Ingiriiska ayaa marti gelinaya shir looga hadli doono musuqmaasuqa iyo ku takrifalida xoolaha shacabka. Raiisal wasaaraha Ingiriiska ayaa laga duubey isagoo leh ”waxa imanaya laba wadan oo aad u musuq xun”. Labadaas wadan ayaa noqdey Nayjeeriya oo caana laguna yaqaano musuqa iyo Afganistaan oo ah dal argagixiso burburisay.

Raiisal wasaaraha Ayaan wali raaligelin ka bixin fadeexadan diplomaasi oo ku dhacday laba wadan oo ka qaybgalaya shir looga hadlayo musuqa oo Ingiriisku martigelinayo.

Boqorada Ingiriiska oo sagaashan jirsatey walina fadhida xukunka boqornimada boqortooyada Ingiriiska ayaa iyadna laga soo xigtey in ay marti Shiine ah ku sheegtay kuwo aad u akhlaaqad xun.

Madaxweynaha Nayjeeriya oo ka jawaabay ayaa ku tilmaamay hadalka RW Ingiriiska mid uu ka naxo sheegayna in dalkiisu wado sidii uu u tirtiri lahaa muisuqa hareeyay.

Madaxweynaha Afgaanistaan ayaa isagu ilaa hadda wax oran waxase hadlay afhayeen sheegayna in dalku ku socdo wadadii looga hortagi lahaa musuqa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.