X

Raiisal wasaaraha Itoobiya oo booqdey Eriteriya xilli qabiil gobol ku dhawaaqayo: SAWIRO

ARAABINEWS

Cabi Axmed iyo wefti uu hogaaminaayo ayaa booqasho ku tagey dalkaasi Eriteriya ee isagu go’doonka ka qaaday. Booqashadan ayaa la sheegay inan hore loo shaacin. Waxa garoonka ku soo dhaweeyay madaxweyne Afwerki.


Cabi Axmed waxa weheliya wasiirka maaliyada ee dalkaasi Axmed Shide. Wasiirka arimaha dibedda ee Eriteriya ayaa sheegay in booqashadan ay tahay mid lagu xoojinaya xiriirka labada dal.

Itoobiya ayaa Eriteriya ka saartey takooridii uu geliyay Tigreegii Milas Sinaawi. Ma jirto in wax cusub oo soo kordhey dhinaca ganacsiga labada dal waxase jira qalalaase siyaasadeed oo ka qaraxdey Itoobiya.


Laba todobaad kahor ayay ahayd markii raiisal wasaaraha Itoobiya ka badbaaday shirqool afgembi oo dhicisoobay. Waxa dhinaca kale Itoobiya maanta banaanbax xoogan la filayaa inay ka dhacaan gobolka isku dhafka ah ee Koofurta halkaas oo qabniilka ugu badan rabo inuu gobol iskii u magacowdo.

Sawirka hoose waa qabiilka Sidamo ee Koofurta oo u diyaara inuu gobol magacowdo

Cabi Axmed ayaa raba in Eriteriya qaybteeda ka qaadato in taasi dhicin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.