Raiisal wasaaraha Dalka Koosafo Ciise Mustafa ayaa sheegay In Walaalkii uu ka mid noqday Qaxootiga gaaray Wadanka Jarmalka , kadib markii uu galay Wadankaasi qaab tahriib ah.
Raisal was are Ciise ayaa sheegay In walaalkii ay aabo iyo hooyaba Wadaagaan uu Tahriib uu ku gaaray wadanka Jarmalka , waxa uuna kamid noqday tiro kamid ah shacabka dalkaasi oo si weyn u daneynayay in ay ku noolaadaan Jarmalka si ay u helaan nolol wacan.
Raiisal wasaare Ciise Mustafa ayaa sheegay in walaalkii uu ka sheeganayay Xanuun daran, si uu ugu helo qaliin maadaama Wadankiisa wax looga qaban waayay.
Wadanka Jarmalka ayaa waxaa gaaro sanad walba dad fara badan oo doonayo Magangalyo, halka muwaadiniin badan oo u dhashay wadamada Siiriya, Ciraaq, Afganistaan, iyo Kurdi ay noqdeen qoxootiga ugu badan gaary Jarmalka sanadkan.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS