Raiisal wasaaraha cusub ee dalkaasi Turkiga ayaa fariimo heshiisyo ah u direy afar wadan oo la jaara oo madaxweynaha dalkaasi Erdogan oo urur dimeedka akhwaanka ah ay colaado soo kala dhexgaleen.
Wadamada ayaa siyaabo kala duwan u coloobey. Turkiga ayaa raba in uu soo celiyo xiriirka uu la leeyahay Yuhuuda inkastoo xiriirkaasi uu adag yahay inta Yuhuuda uu ka taliyo gacan ku dhiigle Natanyahu.
Raiisal wasaaraha cusub ayaa u hambalyeeyay maalinta Ruushka oo ahayd 12 Juun taas oo sahleysa in la soo celiyo xiriirka Ruushka iyo Turkiga oo ah mid aad u qotodheer oo xumaadey markii Turkigu soo ridey diyaarad Ruushku leeyahay.
Raiisal wasaaraha ayaa dhinaca kale raba in uu soo celiyo xiriirkii Turkigu la lahaa Masar oo iyaduna xumaaday markii xulafadii Turkigu la lahaa ururka ay isku mowqifka yihiin ee akhwaanka laga tuurey xukunkii.
Isku soo duubaa madaxweynaha urur diimedka akhwaanka ee dalkaasi Turkiga ayaa raba in uu dalkiisa ka saaro go’doonka siyaasadeed ee uu isgeliyay.
Wuxuu kaloo taabtey in uu rabo in uu hagaajiyo xiriirka ayb la leeyihiin Siiriya iyadoo ay fashilentey sheekadii Sunni iyo Shiico oo ay dareemeen in la soo celiyo awoodi dalkaasi Siiriya.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS