X

Raiisal wasaare Kheyre iyo madaxda Kiiniya oo hirgeliyay duulimaad toosa: SAWIRO

Raiisal wasaare Kheyre iyo madaxda Kiiniya oo hirgeliyay duulimaad toosa oo u dhexeeya Muqdisho iyo Nayroobi taas oo ka dhalatay heshiiskii labada madaxweyne.



Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kiinya ayaa garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta ee Magaalada Nairobi ku soo dhoweeyay duulimaadkii ugu horeeyay ee toos uga taga magaalada Muqdisho oo maanta caga dhigatay Nayroobi.

Mas’uuliyiinta waxaa horkacayay wasiirka arrimaha gudaha Kiiniya Joseph Nkaissery iyo mas’uuliyiinta safaaradda Soomaalida ee magaalada Nairobi.



Sidoo kale Garoonka Muqdisho ayaa munaasab kooban oo ka dhacday waxaa ka qeyb galay R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre isagoo soo dhaweeyay duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nayroobi.

Arintan ayaa loo arkaa I labada wadan uu u bilowdey weji cusub oo ku dhisan is ixtiraamid.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.