Raiisal wasaare Kheyre ayaa kormeer kadisa ku sameeyay wasaarad ka mida wasaaradaha ku yaal Muqdisho kuna taala bartamaha magaalada. Mudan Kheyre ayaa booqday xafiisyadda Wasaaradda Haweenka , waxaana uu sidoo kale la kulmay Shaqaalaha ka howlgalla Wasaaradda.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa horay u sheegay in kormeeri doonto Shaqadda ka socota Wasaaradaha dowladda,islamarkaana lala xisaabta midoono. Lama garan karo waxa socdaalada noocana ka bedeli doonaan hawsha la wado.
Somaliya ayaa burbur xoogleh haystaa waxayna u baahan dawlad adag si hawsha dadka loo hayaa u socoto. “Sababta aan sida kediska ah idiinkugu soo booqday waxay tahay inaan hubiyo Hannaanka shaqada ee Wasaaradahan, waxaana si joogto ah booqasho ugu imaan doonaa dhamaan xarumaha Wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee fulinta” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS