Raiisal wasaaraha Somaliya ayaa raaligelin degdega ka dalbadey horjooge Axmed Madoobe oo Kiiniya ku hayso Kismaayo. Axmed Madoobe ayaa diidey inuu u hogaansamo dawladnimada ka dhisan Muqdisho.
Kadib kulanka dhinaca Internetka ayaa Axmed Madoobe ku tilmaamey ciidanka jooga gobolka Gedo mid jabhadda taas oo aanu sheegin cida wadata jabhadaas iyo cida ay dagaalka kula jiraan.
Raiisal Wasaare Maxamed Xuseen oo aad uga xanaaqay bahdilaada ciidanka qaranka ee jooga gobolka Gedo ayaa ka dalbadey Axmed Madoobe inuu hadalkaas raaligelin ka bixiyo.
Axmed Madoobe ayaa ka baxay heshiiskii doorasho ee uu ansixiyay barlamaanka dalka ee isaguna saxiixay kadib markii kooxda beesha caalamka ee Kiiniya ku jirto sheegayaan inay guul siinayso madaxweyne Farmaajo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS