X

Raiisal wasaare oo Kheyre oo ku kalahay wasaarada maaliyada oo wasiirkeedii maqan yahay: SAWIRO

Raiisal wasaare oo Kheyre oo ku kalahay wasaarada maaliyada oo wasiirkeedii maqan yahay. Booqashada oo shaqaaluhu aanu filayn ayaa ka dhigeysa wasaaradii labaad ee RW Kheyre booqdo.

Xilliga Ra’iisal Wasaaraha uu kormeerka ku tagaayay xarunta Wasaaradda waxaa si habsami leh u socday shaqada maalinlaha ah ee Wasaaradda Maaliyadda ay qabato, iyadoo dhamaan shaqaalaha wasaaradda ay ku mashquulsanaayen hawlahooda caadiga ah.

Kormeerkaan oo aanan horay loo sii shaacin, ayaa ujeedkiisa wuxuu yahay dar dargelinta shaqada ay hayaan Wasaaraddaha Xukuumadda.

Raiisal wasaaraha ayaa rajaynaya in uu wanaajiyo xiriirka u dhexeeya shaqaalaha wasaaradaha iyo xafiiska raiisal wasaaraha. Wasaarada maaliyada ayaa ka mida wasaaradaha.

Markii uu tagay Ra’iisal Wasaaraha xarunta Wasaaradda Maaliyada, ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Maxamuud Xayir Ku simaha Wasiirka maaaliyadda oo warbixin ka siiyay sida shaqada ay ku socoto.

Waa wasaaradii shanaad ee uu booqdo inkastoo wasaaradaha qaar ayna lahayn ayna muhiim ahayn xilligan laakiin lagu naasnuujinayo qabiilada.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.