Garoowe–Wadahadaladii u socdey madaxweynaha Puntland kan Jubba iyo raiisal wasaaraha ayaan xalay ka dhicin Garoowe sidii la filayay kadib markii raiisal wasaare Sharmaake ka dhaadhicin waayay labada masuul in ay soo dabcaan. Dhinaca kale Cumar C/rashiid ayaa QArdho lagu casuumay oo uu maanta tagayaa iyadoo kadibna la filayo in uu dib ugu laabto Muqdisho.
Maanta waxaa dib loogu noqdey Qodobadii shalay la isku mari waayay, Madaxweynaha Puntland wuxuu hadalka kusoo gabagabeeyey oo kusoo gaabshey “Wax aan ahayn Go’aankii Baarlamaanka Puntland gaarey oo aan idiin hayo ma jirto, Ra’iisul wasaare fuliyay qodobada ay Xildhibaanada Puntland soo jeedsheen, Dastuurkii rasmiga ahaa oo aan anigu markaan Booskaaga joogay aan wax ka saxiixey iyo wixii kaas lagu sameeyey oo isaga waafaqsan sida Jubaland iyo Koonfur Galbeed waad noola imaan kartaan Wixii dastuurkaas ka baxsan kaa yeeli mayno inaan aqoonsano.”.
C/llahi Warmooge
ARAABINEWS.COM