X

Raiisal wasaaraha Bakistaan oo qarxiyay inay iyagu Maraykanka tuseen halka Bin Laadan joogey

Raiisal wasaaraha dalkaasi fiqiirka ah ee Bakistaan ee aan lagu aamini Karin sirta dalka ayaa qarxiyay in sirdoonka dalkiisu soo hogaamiyeen diyaaradihii Maraykanka ahaa ee diley Usama Bin Laadan.


Usama bin laadan ayaa Obama sheegtay inuu ku diley magaalada Abbatabaad ee dalkaasi Bakistaan wuxuuse ku fashilmey inuu cadaymo keeno ama meydkiisa.

Cimraan Khan ayaa telefishan Yuhuudu leedahay u sheegay in Maraykanka tuseen halka Bin Laadan ku Jiro, waxayna muujinaysaa in Bakistaan caawisay xulafada Maraykanka laakiin welina ayna na aaminin ayuu yiri Cimraan Khan.


Waa markii ugu horeysay oo masuul ka tirsan Bakistaan uu si cad u sheego in dawladiisu ogeyd halka Bin Laadan joogo. Dilka Maraykanku sheegtay ayaa xiisad ka dhaliyay Bakistaan xilligaas.

Warbixin ay bixisay dawlada Bakistaan ayaa lagu sheegay sanadii 2013 in Usama Bin Laadan ku noolyahay Bakistaan oo xataa mar lagu qabtey gaari uu si xawaara ah ku waday.

Rashiid Ceelanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.