X

Raiisl wasaaraha cusub oo deg deg ula wareegay xilka

Xasan Cali Kheyre ayaa si deg dega xilka uga tirsadey raiisal wasaarihii hore fadhiid Cumar C/rashiid oo hadda fadhiga ku qaadanaya lacagta aqalka sare.

Munasaabada ay xilka ku kala wareegayeen Labada Masuul ayaa waxaa goob joog ka ahaa xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Dowladda, Wasiiro, Saraakiil Ciidan iyo marti sharaf kale.

Fadhiid Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa R/wasaraaha cusub ugu hambalyeeyay shaqadiisa cusub, isagoo sidoo kale u rajeeyay guul iyo horu u socod.


Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha cusube ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u mahadceliyay Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, isagoo sheegay in uu soo qabtay Howl culus mudadii uu xilka hayay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.