Waxa dalkaasi Suudaan ku geeriyooday hogaamyihii urur diimeedka Akhwaan Muslimiin ahaana madaxa mucaaradka Suudaan Sheekh Xasan Turaabi oo ahaa maskaxdii ka dambeysay xukunka milatari ee uu hogaamiyo madaxweynaha hadda Cumar Xasan Al-Bashiir intii ayna is khilaafin.
Sheekh Xasan Turaabi ayaa si weyn loogu xasuustaa qaybtii uu ku lahaa kacdoonkii xukunka looga tuurey madaxweyinihii dalkaasi Suudaan Ibrahim Cabuud sanadii 1964 xilligaas oo uu ku biirey urur diimeedka Akhwaan Muslimiin.
Waxa sanadii 1989 ay inqilaab ku qabsadeen dalka waxana la filayay in uu isagu noqdo madaxweyne waxase noqdey madaxweynaha hadda kadibna waxay is khilaafeen 1999 halkaas oo uu ku dambeyay jeel muddo toban sano ah. Labada masuul ayaa dib u heshiiyay waxayna kulmeen laba sano kahor. (Sawirka hoose)
Urur diimeedka Akhwaan Muslimiin ayaa hadda ka taliya Turkiga waxayna hore ugu guuleysteen Masar inkastoo farsamo xumo awgeed ay ku waayeen xukunka. Madaxweynaha Suudaan ayaa isna aad ugu dhow urur diimeedka Akhwaanka.
War murtiyeed ka soo baxay Suudaan ayaa lagu sheegay in uu u dhintey wadno xanuun. Waxase sanadii 1992 dalkaasi Kanada dagaalka Karaatee loo yaqaan ku weeraray nin sun ku haysta, weerarkaas oo Sheekh Xasan Turaabi uu ku galay kooma ama suuxdin waase ka badbaaday.
Waxa Sheekha lagu xasuusan doonaa halgankii uu u soo maray toosinta diinta Islamka isagoo maraya dariiqooyin ay ka mid yihiin isticmaalka urur diimeedka akhwaan Muslimiin. Sheekha ayaa waxbarashadiisa qaar ku soo qaatey Ingiriiska iyo Fransiiska. Waxay da’diisu ahayd 84 jir.
Inaa lilaah waa inaa ilayhi raajicuun
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS