X

Markab Faransiisa oo joojiyay hub farabadan oo la sheegay in uu ku socday Somaliya

Markab Faransiisa oo ka mida kuwa u jooga badda balaadhan ee dalkeena in uu ilaaliyo maraakiibta jaraafka ayaa sheegay in ay qabteen hub u badan qoryaha fudud oo aad u farabadan iyo waliba hubka lagula dagaalamo taangiyada.

Markabkan ayaa sheegay in xeebta Woqooyi ka qabteen hubkaas. Somaliya ayaa loo ogolyahay in ay soo iibsato hubka yaryar iyadoo laga cunaqabateeyay hubka ay iskaga celin karto cadowga argagixisada.

Ma jirto wax wara oo kla soo baxay dawlada Somaliya in ay iyadu leedahay hubkaas. Bil kahor ayay ahayd markii la qabtey Markab hub u sida Siomaliya inkastoo ilaa hadda aan la xaqiijin cida hubkaas iska leh.

Markabkan ayaan la sheegin cida iska leh iyo halka uu ka yimi.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.