Dad aad u cadhaysan kana xanaaqay firqada Sucuudiga ee Salafi iyo xasuuqii uu u gaystey dad waxay aaminsan yihiin loo diley oo uu ku jiro sheekh caana ayaa gubey safaaradii Sucuudigu ku lahaa Tehraan. Dad ayaa ku qaylinaya ha dhaco qoyska Saud iyo argagixisada uu aduunka ku faafinayo.
Dadkii shalay la dilay ayaa loo diley sida argagixisada uu taageero ee Daacish dadka u disho waxa kaliya ka duwanaa in ay qariyeen oo ayna banaanka u soo bixcin sida dadka kale ee ay gowracaan.
Banaanbaxyada ka dhacay Tehraan iyo Yurub ee ay dhigeen Shiicada ayaa sii kordhinaya masiibada Sucuudigu dhex dhigey ummada Muslimka ah.
Sucuudiga ayaa haysta firqo ka mida firqooyinka Muslimiinta manta waana tan ugu xun oo dadka gaalaysa waxayna si xoogleh ugu faafeysaa dunida fiqiirka sida Somaliya iyagoo caqiidadooda ay soo qaaten sheekhyo Somali ah.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS