X

Reer galbeedku waxay faafiyaan ciidankii Ruushkaa dhaqaaqi waayay maxaase ka jira?

Milatariga Ruushka ayaa gudaha ugu jra dalkaasi Yukrayn sadexdii usbuuc ee ugu dambeysay. Haddaba waxaan ka maqalaa warbaahinta reer galbeedka inay hore u dhaqaaqi kari waayeen iska caabin xoogan oo ay kala kulmeen ciidanka Yukrayn.


Haddaba sawirka ka jira Yukrayn sidaas maaha waxana muuqda in gebi ahaanb aanu jirin ciidan Yukrayn ah oo si toosa ula dagaalami kara ciidanka Ruushka waxana la cuay maalmihii ugu horeeyay ee dagaalka.

Hadda waxay ku soo hadheen keliya inay si dhuumasho ah weliba guryaha xagooda dambe ka soo toogtaan ciidanka Ruushka, ayagoo isticmaalaya hubkii ay siiyeen reer galbeedka qaar.


”Ruushku hadafkii uu ka lahaa Yukrayn waa gaaray, wuxuuna gaaray maalmihii ugu horeeyay, horena waa u sheegay in ujeedada uu u soo galay ayna ahayn inay qabsadaan dalka laakiin ay curyaamiyaan awoodooda milatari ee ay ku weerari karaan dadkiisa bariga dalkaas ayuu yiri Xuseen Warsame.


Saraakiisha Maraykanka ayaa qirtey in aanu jirin ciidan Yukrayn oo wax difaacaya. Waxaad is weydiin kartaa yaa ka horjooga inuu galo magaalooyinka waaweyn sida Khaarkiif iyo Kiyeef. Jawaabta saxda ah waa isaga oo aan rabin inuu burburiyo magaalooyinka waaweyn ee keliya uu rabo inuu hareereeyo sida Kiyeef oo akle.



”Cid kahor joogta ma jirto inuu magaalada burburiyo kadibna qabsado laakiin cawaaqiibta ka dhalanaysa ayaa ka xun. Askarta Ruushka ayaa lagu amaanay akhlaaqada dagaal iyo xushmeynta dadka marka loo eego kuwa Maraykanka ee burburiyay Ciraaq.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.