X

Roob dabaylo xoogan wata oo qasaare ka gaystey Lughaya

Roobab laxaadle oo inta badan lagu qabowsaday ayaa shalay galinkii dambe ka da’ay degaano ka tirsan degmada Lughaya. Roobka oo watay dabaylo xoogan ayaa gaystey qasaare u badan guryaha. Ma jirto cid wax ku noqotey sida ay sheegeen masuuliyiinta deegaanka.


Deegaanada hoostaga Lughaya ee uu qasaaraha ugu badan ay dabayluhu u gaysteen ayaa waxa ku jirta deegaanka Osoli oo inta badan ahaa aqal Somali ay saqafka ka qaadeen. Dhismayaasha dhagaxa ah ayaa iyagana uu saqafka ka qaaday.

Waxa roobkan wata dabaylaha ku barakacay ilaa dad gaaraya 450 qof oo ilaa hadda helin wax gurmada. Fadhiid C/raxmaan Saylici oo cod badan si qabiilnimo uga helay deegaanadan ayaan dib u soo eegin.


”Adeer kaas (C/raxmaan Saylici ) ma naqaano waan ku qasaarney codkii aan lahayn ayuu si jufonimo been ugu shubney ayuu yiri Cali C/raxmaan oo ka mida dadka barakacay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.