Roob lagu diirsaday laakiin gaystey khasaare hantiyeed ayaa ka da’ay Saylac iyo deegaanada hoostaga. Roobkan ayaa burburiyay hanti dad danyara lahaayeen isla markaana magaalada keenay biyo aad u farabadan. Khasaaraha ugu badan ayaa ah dhinaca hantida halkaas oo daadku qaaday. Ma Jiro cid wax ku noqotey.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS