Roobab ka da’ay Muqdisho ayaa biyo dhigey iyo dad danyara oo daadku ugu yimi buulasha ay deganaayeen. Saqdii dhexe ee xalay roobab xooggan oo ka bilowday Magaalada Muqdisho ayaa soo gaaray illaa saaka aroortii, iyadoo roobkaasi uu saameyn ku yeeshay Magaalada Muqdisho.
Xeryaha ay degan yihiin dadka Barakacayaasha ayaa lagu soo waramayaa in saameynta ugu badan uu ku yeeshay roobkii xalay ka da’ay Magaalada Muqdisho, iyadoo ay jiraan meelaha qaar caruur geeriyootay.