X

Somaliland oo ku faraxdey Ingiriiska ka baxay reer Yurub

Somaliland oo ku faraxdey soona dhaweysay Ingiriiska ka baxay reer Yurub. Wasiirka arimaha dibedda maamulka Somaliland iyo Faysal Waraabe ayaa soo dhaweeyay sheegayna in ay tani ka dhigeyso Ingiriiska wadan ay la macaamilaan.

Waxase dad badan is waydiinayaa in Ingiriiska oo hadda gooni u taagan uu sumcad iyo awood ku yeelan karo aduunka kana dhaadhicin karo reer Yurub iyo wadamada kale ee hore u diidey in ay arimaha Somalida soo farogeliyaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.