X

Ruushka oo burburiyay hub Yukrayn ay siisay Islofakiya

Diyaaradaha Ruushka ayaa burburiyay hub dhawaan ay Yukrayn soo galisay dalkaasi Islofakiya oo ka mid ahaan jirtay Yuguslafiyadii hore. Hubkan lidka diyaadaha oo loo yaqaan S-300 ayaa Islofakiya sheegtay inuu ahaa hubka keliya ee ay haystaan.


Maraykanka iyo ururka uu maamulo ee Naato ayaa diidey inay Yukarayn soo geliyaan hubkooda lidka diyaaradaha ee ay ku faanaan, ayagoo ka baqaya in la burburiyo ama sirtooda Ruushku ogaado.


”Waxay inta badan yiraahaan Yukrayn waxay si fiican u taqaanaa hubkii midowga Soofiyeeti ayadoo ujeedadu tahay inayna rabin inay hubkooda hor dhigaan gantaalaha Ruushka oo halmar burburinaya yuu yiri Xuseen Warsame.



Hubkan lidka diyaaradaha ee Islofakiya soo gelisay Yukrayn ayaa lagu qariyay bakhaar weyn halkaas o gantaalaha Ruushku ku burburiyeen wixii yeelayba iyo weliba 25 ciidan oo ka mida kuwea Yukrayn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.