X

Ruushka oo cadeeyay in argagixiso bam ku soo dhex qarisey diyaaradii ku dul dhacday Siinaay

Gudoomiyaha sirdoonka Ruushka ayaa madaxweynaha Ruushka u sheegay in diyaaradii ku dul dhacday Siinaay ay sababtey bam lagu soo dhexqariyay qaybta xamuulka taas oo keentay in diyaaradu laba u kala jabot sidaana ku burburto una dhintaan dad shacaba oo tiradoodu gaarayso 224.

Falkan guracan ayaa waxa sheegtay argagixisada dhiigmiiratada ee diinteena ku qaraabata ee Daacish. Sirdoonka Ruushka ayaa sheegay in ay ugaarsan doonaan cidii fulisay meelkasta oo ay ka joogaan dunida.

Wadamada reer galbeedka qaarkod ayaa joojiyay diyaaradaha iman jiray goobta dalxiiska ee Sham alshaykh oo iyada dhan loo dhisay dalxiiska.

Ruushka ayaa isna madnuucay diyaaradaha Masaarida in ay yimaadaan Ruushka halka kuwaadana uu ka joojiyay in ay u duulaan Masar.

Argagixisada Daacish ayaa waxa maalgeliya Sucuudiga oo ay isku caqiido yihiin halka dawlada Qadar iyo Turkigu siiyaan dahaar.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.