X

Ruushka oo la sheegayo in uu Saylac saldhig ka samaysanayo maxaa ka jira

Waxa baryahan saxaafadaha ka soo baxa Somaliland qaasatan Hargeysa lagu qorey war sheegaya in Ruushku saldhig dib uga samaysanayo xeebaha Woqooyi markana magaalo xeebeedka Saylac.

Ruushku wuxuu hore u dhisay garoonka diyaaradaha iyo dekedda Berbera kana dhigey mid caalamka la socota xilligeedii. Garoonka diyaaradaha Berbera ayaa ilaa hadda ah kan ugu laami dheer qaasatan inta diyaaradu ku orodo.



Wuxuu dhisay bakhaaro uu ku xerayn karo gantaalada iyo xarun isgaarsiin oo caalami ah. Wuxuuna intaas oo dhan ka guurey sanadii 1977 markii uu khiyaamay dawladii Somaliya lana saftey Itoobiya.

Markaad fiiriso xiisada ka taagan Yaman halkaas oo xulafada Wahaabiyadu ay weerar qaawan ku hayaan dawlada iyo shacabka Yaman iyo saldhigyada milatari ee Jabuuti ilaa Suudaan oo la qaybsanayo, waxaad is oran kartaa Ruushka iyo Turkigu wey gabeen kaalintooda.



Xilligan lagu jiro oo Ruushku haysto gantaalo casriya iyo diyaarado qaarado isaga gudba waxa yar baahida loo qabi karo in la samaysto saldhigyo milatari.

Waxaanad is waydiin kartaa faaiidada Ruushka ka soo galaysa saldhigyo uu dib uga furto geeska Afrika iyo dhaqaalaha uu ku wadi karo iyo cida uu dagaal kula jiro.

Ilaa hadda saldhigyada uu ku leeyahay Siiriya ayaa ku filan hawsha iyo danta uu ka leeyahay. Ruushku wuxuu jeclaan lahaa inuu arko dawlad Somaliyeed oo xoogan oo uu la macaamilo kumana jiro dawladaha sii wada cunaqabataynta hubka.



Ayadoo Ruushku la safan yahay dawlada Yaman ee Xuutiyiinta iyo madaxweynihii la diley ee Cali Cabdalle Saalax hadana welli si toosa uma farogelin inuu u caawiyo Yaman oo ay baabiiyeen Maraykanka oo hub siiya Wahaabiyada Sucuudiga.

Xataa xaalada Yaman haday sii xumaato lagama yaabo in Ruushku u baahdo in uu saldhig ka dhisto Somaliya. Laba sano kahor ayaa waxa soo baxdey in Ruushku ka caraysan yahay Jabuuti maadaama ay sheegtay inayna siineyn saldhig hadana ma jirin wax warkaasi halkaas ka sii wada.



Hadaba markaan dib u eegay halka warkan ka soo baxay waxa ii soo baxdey in uu yahay shaqsi wararka iska qora oo aan ku xirneyn meel caalami ah.

Wargeysyada warkan sii qaatey ayaa ah kuwo taabacsan maamulka Somaliland oo intooda badan ah kuwa laga daabaco Koofur Afrika ayagoo ka soo xiganaya wargeysyada Hargeysa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.