X

Ruushka oo Siiriya ka iibiyay gantaalo ay Yuhuuda iyo Maraykanku ka naxeen

Ruushka ayaa Siiriya ka iibiyay gantaalo ay Yuhuuda iyo Maraykanku kaga googoosan doonaan inay dib dambe u weeraraan hawada Siiriya. Talaabadan ayaa imaanaysa kadib markii Yuhuudu ku gabatey diyaarad Ruushku lahaa oo Siiriya lagu soo ridey.


Gantaalada loo yaqaan S-300 ayaan hawadooda la soo geli karin. Yuhuuda ayaa ka cabaadety gantaaladan. Yuhuuda ayaa si caadiya u duqeysa Siiriya hadase ma noqon doonto.

Wasaarada difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in gantaalada lagu xidhey kuwa kale ee ka xooga badan e S-400 ee yaala saldhig Ruushku ku leeyahay Siiriya.


Madaxweynaha Ruushka oo muddo horjoogey in gantaaladaas la siiyo Siiriya ayaa ugu dambeyn ay ku qasabtey markii Yuhuda faraha ka qaadi weyday Siiriya oo uu ka xireeyay argagixisadii Maraykanka, Turkiga iyo Sucuudigu ka dambeeyay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.