X

Ruushka oo soo bandhigey maxaabiista ay hayaan iyo sida loo qabtey

Milatariga Ruushka ayaa soo bandhigey tirada maxaabiis ee ay ku qabteen dagaalka ka socda Yukrayn iyo sida looq qabtey. ”Dhamaan askarta aan qabanay waa kuwa aan rabin inay dhintaan oo is dhiibay ayaa lagu yiri qoraalka.

”Waxaan tiro ahaan qabanay 2500 askar oo hadda aan maxaabiis ahaan aan u haynaa ayuu yiri afhayeenka milatariga Ruushka. Maxaabiista ugu badan ee la qabtey ayaa ah kuwa laga qabtey bariga dalka.

Milatariga Ruushka ayaa hawlgalka ka bilaabay bariga dalkaasi ilaa uu ku dhawaaday caasimada dalkaasi laakiin diidey inay magaalada qabsadaan maadaam dad badan ku nool yihiin.

Ruushka ayaa qabsaday magaalada ugu weyn bariga dalkaasi ee Maribol halka falalagada Yukrayn ay joogaan keliya warshad balaadhan ee xadiidka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.