X

Ruushka oo Suuriya kaga guulaystay xulafada Maraykanka Turkiga Sucuudiga iyo Yuhuuda

Ruushka ayaa Suuriya kaga guulaystay xulafada Maraykanka Turkiga Sucuudiga iyo Yuhuuda kadib Trump ku dhawaaqay inuu soo celinayo askariisa ka joogta Suuriya siiba qaybta Kurdiytiinta. Maraykanka oo taageeri jirey Kurdiyiinta ayaa hub siin jirey argagixisada weyn ee Daacish xaga Sucuudiga bixin jirey lacagta hubka looga soo iibinaayo Maraylanka iyo Yuhuuda.


Guuldarada Maraykanka iyo xulafadiisa kale ayaa imaanaysa ayadoo ciidanka Suuriya oo ay xagga cirka ka taageerayaan diyaaradaha Ruushku ay hilfaha u qaadeen argagixisadii Daacish iyo akhwaan Muslimiinta uu taageero Turkiga ee la baxdey ciidanka xorta ah ee Suuriya.


tyle=”text-align: justify;”>Caqiiqada lagu dagaalamaayay ee lagu dagaalgelin jirey argagixisooyinka diimaha ee ay taageeri jireen ayaa ahayd inay dagaal kula jiraan Shiico laakiin ay dhibka ugu weyn soo gaartey shacabka Suniga oo deegaanadoodii noqdeen kuwo dhulka lala simo.


Burburka ugu weyn waxa gaystey Maraykanka, wuuna diidey inuu dib u dhiso, biilka lagu dhisaayo ayaa loo dayay Suuriya oo ay rabaan inayna ka soo kaban dhaqaale ahaan.

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha Suuriya ayaa sheegay in Maraykanku bixi doono si aan ku saarnaba, wayna soo deg degtay.


Goobaha ay fadhiyeen ciidanka Maraykanka ayaa waxa jooga argagixisada Daacish, waxana la sheegay inuu ku wareejay hubkii uu watey kuwaada waaweyn, si dagaalka u sii wadaan.

Guusha Ruushka ayaa keenaysa in Suuriya oo ka guulaysatey cadowgeeda ay dadkeedu isku yimaadaan kana wada tashadaan dalka ay wada leeyihiin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.