X

Ruushka oo u digey Maraykanka iyo Ingiriiska oo la jira argagixisada Daacish ee Siiriya in ay luqadooda ilaaliyaan

Afhayeen u hadlay dawlada Ruushka ayaa ka cadhoodey hadalo ay Maraykanka iyo Ingiriisku ku qarinayaan fadeexadii ka dhacay Siiriya markii diyaaradahoodu si ula kaca u duqeeyaan ciidanka Siiroya oo baacsanayay argagixisada Daacish.

Weerarkaas ayaa hakiyay duulaan ciidanka Siiriya argagixisada kaga xoreynayeen magaalo ku taal bariga Siiriya. Isla weerarkaas ayaa burburiyay xabadjoojin ay wada galeen Ruushka iyo Maraykanka.

Kadib waxa gubtey gawaadhi mucaawino u sidey argagixisada akhwaan Muslimiinta ee ka dagaalamaysa guryaha dadkii ay qixiyeen magaalada Xalab. Ruushka ayaa uga digey labadaa wadan in ay luqadooda ilaaliyaan kadib markii ay ka soo baxdey hadalo sheegaya in Ruushku gaystey dambiyo.

Ruushka ayaa sheegay in uu xumaan doono heshiiska wada shaqayn ayna sii dheeraan doonto xalka laga gaarayo Siiriya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.