X

RW Itoobiya Abiy Axmed oo booqasho ku tagey dalkaasi Masar: SAWIRO

RW Itoobiya Abiy Axmed ayaa booqasho ku tagey dalkaasi Masar. Sidii loo doortey Abiy Axmed waxa isbedel laga dareemay dhamaan geeska Afrika. Waxana soo jiidatey furfurnaanta iyo aqoonta uu la yimi RW Abiy Axmed.



Booqashada Masar ayaa imaanaysa ayadoo ay jirto xiisad dhinaca biyaha ah oo laysla garan waayay ama shiki ku yimi in Itoobiya xiranayso webiga Niil oo ka yimaada dalkeeda.

Waxa si diiran loogu soo dhaweeyay dalkaasi Masar ayadoo uu qaabilay madaxweynaha dalkaasi Siisi oo dalka ka badbaadiyay burbur ku yimaada.

Lama garan karo in si fudud oo is af-garada lagu xalin doono arinta biyaha ee u dhaxaysa Masar iyo Itoobiya.



RW Abiy ayaa aqbalay in xadka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritatiya uu yahay sidii lagu heshiiyay dalka Aljeeriya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.