RW Kheyre muxuu ka doonay Addis ababa oo uu la kulmey madax. Kheyre ayaa socdaal ku jooga xarunta Itoobiya ee Addis ababa wuxuuna kulamo jog la qaatey madax ay ku jirto wasiirka arimaha dibedda Itoobiya.
Shirkaani oo ay aheyd in uu ka qeybgalo madaxweyne Farmaajo ayaa ka cudur daartay si bulshada Soomaaliyeed oo uu kala kulmayay inay ku dhaliilayeen safarada badan tan iyo intii uu xilka qabtay oo 11 safar uu dibada ugu ambabaxay, sababtaasina ay tahay inuu yareeyo safarada badan iyo in aan lagu dhaliilin safarada Itoobiya si uusan ugu weyn taageerada shacabka.
Dhinaca kale, RW Kheyre ayaa kulamo kala gooni ah la yeeshay madax ka tirsan Africa iyo masuuuliyiin, waxaana ka mid ah madaxdii uu la kulmay guddoomiyaha bankiga Afrika Akinwumi A. Adesina, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom oo hadda ah madaxa guud ee hay’adda WHO iyo madax kale.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS