X

RW Xasan Cali Kheyre oo ka hadley laanta hawada Somaliya inta aanu tegin Ruwanda: SAWIRO

RW Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadley laanta hawada Somaliya oo hadda si toosa looga maamulo caasimada Muqdisho inta aanu tegin Ruwanda oo booqashadiisu hal maalin qaadan doonto.

“Inkasta oo ay tahay in loo dabbaal dego horumar walba oo aan gaarno waxa aan aaminsanahay in aysan dhameyn wax loo dabaal dego hase yeeshee in magaalada Muqdisho laga maamulo hawada Soomaaliyeed ay tahay tilaabo bilaaw ah oo ku aadan dariiqa saxda ah oo aan u socono”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre.



“Hadafkiinnu haka weynaado guusha aad gaarteen oo ha ahaado Soomaali Airlines aduunyada la tartami karta sidee loo helaa? Sharafta iyo karaamada ummada Soomaaliyeed sidee loo adkeyn karaa? inta yar ee aad qabateen ha idiin noqoto tusaala ah inta leydinka rabo in aad qabataan iyo inta aad qaban kartaan hase yeeshee marnba haku qancina sabata oo ah hadii aad ku qanacdaan waad is dhiganeysaan”, ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaare Khayre.



Dhinaca Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ayaa Ruwanda u tagey inuu madaxweyne Paul Kagame war ku kala qaataan xaalada kala guurka ah ayadoo Somaliya la wareegi doonto amniga dalkeeda muddo aan fogeyn.



Argagixisada ayaa joogta gobolka Jubbada dhexe ayadoo lagu socdo in hilfaha loogu qaado laakiin uu hakad galay hawlihii Amisom ku xoreyn lahayd gobolka dhaqaale la’aan awgeed.

Sawirada hoose waa booqashada Xasan ee Ruwanda

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.