X

RW Xasan Cali Kheyre oo kordhiyay kormeerada uu sameeyo habeenkii: SAWIRO

RW Xasan Cali Kheyre ayaa kordhiyay kormeerada uu sameeyo habeenkii gaar ahaana ku tago xeryaha askarta heeganka u ah argagixisada shabaab xilli lagu jiro burbur baahsan.



“Mudane Ra’iisul Wasaare waxaa hortaada taagan ciidan boolis ah oo lagu soo tababaray dalka Jabuuti, oo laba dufcadood ah, waxayna diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan howlgaladda hada socda.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed.



“Ciidanka cusub ee la soo tababaray waxaan leeyahay ku soo dhawaada dalkiina hooyo, waxaa idin sugeysa shaqo aad u culus, laakiin ah shaqada ugu wanaagsan ee qof uu u qabto dalkiisa, waxaan idinka rajeynayaa waxa la idin soo baray inaad uga faa’ideyn doontaan shacabkiina.



Khayre ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay qaabka ay ula shaqeeyeen ciidanka xasilinta oo ay ugu dulqaateen baaritaanada lagu sameynayo gaadiidkooda, taasi oo qeyb ka ah qorshaha lagu adkeynayo amniga caasimadda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.