X

RW Xasan Cali Kheyre oo la kulmey afhayeenka barlamaanka

RW Xasan Cali Kheyre ayaa la kulmey afhayeenka barlamaanka Maxamed Mursal oo isagu ka dambeeyay magacaabistiisa laakiin hadda uu u digarogtey mucaaradka taagta daran. Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuu isku dayaayo inuu dejiyo siyaasada dalka.


Kulanka oo saxaafadu dibedda ka joogtey ayaan la sheegin waxa ka soo baxay waxase muuqata in Xasan Cali Kheyre ka dhaadhiciyay in aanu meel gaarayn murankiisa ku jeeda sida dawladu u shaqayso.


Maxamed Mursal ayaa is geliyay siyaasad aanu qaadi karin ayadoo wararku shegayaan in ay ku yaraatey lacagtii uu bixiyay Imaaraadku.

Waxa dhinaca kale fashilmey qas uu ka wadey Baydhabo iyo taageero uu u muujiyay argagixis Mukhtaar Roobow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.