RW Xasan Kheyre ayaa Baraawe booqdey kuna faanay magaalada. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ahaa safarradii uu ugu kuur galayey xaaladaha ka jira Maamullada dalka, si u ogaado nolasha dadka ee dhanka nolosha iyo amniga.
Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo shacabka ku dhaqan degmada Baraawe oo aad uga waramay dhibaatooyinka ka jira gobolka.
“Waxaan aad ugu farax sanahay sida wanaagsan oo aad noo soo dhaweyseen, Waxaana halkaan iiga muuqda sida reer Baraawe diyaar ugu yihiin dawladnimada, waxaana naga go’an inaad heshaan nabad, cadaalad iyo sinaan taas oo ah siyaasadda dawladda lagu dhisay,”ayuu yiri R/W Khayre.
“Baraawe waxay ahayd magaaladii aan ka dhoofay 1989kii, markii aan dalka ka baxayay waad ku mahadsantihiin martigelintiina xiligaas iyo xiligan, Magaaladani waxay qeyb ka qaadatay fidinta diinta islaamka, dadkeeduna waxay caan ku yihiin sharaf, karti, halgan iyo wax soo saar”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay shacabka magaalada Baraawe, kana codsaday madaxda Koonfur-galbeed in si deg-deg ay ugu soo guuraan magaallo madaxda maamulka oo ah degmada Baraawe.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS