X

RW Xasan Kheyre oo lagu soo dhaweeyay Swizerland iyo ujeedada safarkiisa: SAWIRO

RW Xasan Kheyre ayaa lagu soo dhaweeyay Swizerland. Waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaasi iyo sidoo kale Soomaalida kunool dalkaasi.

“Aniga iyo wefti ballaaran oo aan hoggaaminayo ayaa gaarnay Dalka Switzerland si aan uga qeyb galno shirka Madasha dhaqaalaha adduunka oo si rasmi ah naloogu soo casuumay” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.



Waxaa uu intaasi kusii daray hadalkiisa “Koboca Dhaqaalaha Dalka waa ahmiyadda u horreysa ee xukuumaddayda, si dhaqaalaha dalku kor loogu qaadana waa Inaan xiriir wanaagsan oo ku dhisan isla xisaabtan iyo daah-furnaan la sameynaa adduunyada”.



Madaxda shirkaas ka qeybgaleysa ayaa waxa ay ka hadli doonaan sidii loo kordhin lahaa Dhaqaalaha Aduunka loogana hortegi lahaa Dhaqaali yarida, iyada oo dowladda Soomaaliya ay qeyb ka tahay dowladdaha sheegay in uu kordhay dhaqaalaheeda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.