X

RW Xasan Kheyre oo shaqadii ka eryay sadex wasiir iyo bedelkooda

RW Xasan Kheyre ayaa shaqadii ka eryay sadex wasiir oo inta badan la sheegay inay gudan waayeen hawshooda. Wasiiradan la eryay ayaan soo kordhin wax isbedela.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn xilalkii ay hayeen ka qaaday Wasiirada kala ah:

1. Mudane Yusuf Garaad Cumar Wasiirkii Wasaarada Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah



2. Marwo Khadra Axmed Ducaale, Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha

3. Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa), Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta

Waxa sidoo kale RW Xasan Kheyre uu magacaabay bedelkooda o kala sidan soo socota:



Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

Mudane Cabdi Maxamed Sabriye waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

Danjire Axmed Ciise Cawad waxaa loo magacaabay xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Somaliya. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

Wasiirada cusub ee la magacaabay waxa la farayaa inay si deg-deg ah ula wareegaan xilalkooda

Soo akhrintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.