X

RW Xasan Kheyre oo xalay Turkiga gaaray iyo madax uu la kulmey: SAWIRO

RW Xasan Kheyre ayaa xalay Turkiga gaaray halkaas oo uu la kulmey madax sare oo ka tirsan dawlada Turkiga oo mucaawinooyin badan ka gaysata Koofurta Somaliya qaasatan Muqdisho.



“Waxaan uga mahed celin walaalaha Turki, sidii ay uga damqadeen dhacdadii 14-ka bishan ka dhacday isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, taas oo shacab badan ay ku waayeen noloshoodii qaarna ay ku dhaawac meen.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.



 Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqan doona dadkii ku dhaawacmay xasuuqii Soobe kuwaas oo la geeyay dalka Turkiga, si loogu soo daweeyo. Turkiga ayaa Muqdisho ka furey xarun tababareed oo lagu tabari doono ciidan Somaliyeed oo tayo leh oo dalka hanta


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.