Raiisal wasaaraha (RW) xigeenka Somaliya ayaa kulan la qaatey RW dalkaasi Hindiya Modi.
Labada masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen siddii labbada dal Soomaaliya iyo Hindiya isaga kaashan lahaayeen dhinacyada arrimaha bulshada khaasatan Caafimaadka iyo waxbarashadda iyo in Shacabka Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku galka Hindiya.
“Waxaan la kulanay Ra’iisal Wasaaraha Dalka Hindiya Narendra Modi, runtii kulankaasi oo aad muhiim u ahaa waxaanu kaga wada hadalay siddii labbada dal Soomaaliya iyo Hindiya isaga kaashan lahaayeen dhinacyada arrimaha bulshada, guul ayuuna ku soo dhamaaday”. Ayuu yiri R.W Kuxigeenka.
Ra’iisal Wasaaraha dalka India Narendra Modi ayaa dhankiisa wuxuu balan qaaday in India ay Soomaaliya si dhow ugala shaqaynayso xiriirada iskaashi ee arrimaha Bulshada iyo kuwa dibloomaasiyadeedba.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS