X

Sababta dib loo diidey 12 danjireyaala oo la soo gudbiyay

Waxa shalay wasiirka arimaha dibedda Somaliya soo gudbiyay 12 safiir oo loo magacaabi lahaa dalal dhowra, waxayse dhaafi waayeen golaha wasiirada oo ku diidey oo sheegay inay waafaqsanayn nidaamka degsan oo jufaysan.


Safiirada magacownaa ee la celiyay ayaa waxay u qornaayeen sidan soo socota.

1 – Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir
2 – Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Cabdulqaadir Axmed Kheyr
3 –Abshir Xasan Abshir oo ah wiil uu dhalay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka
4 – Liibaan Sheekh Mohomud
5 –Cabdullahi Axmed Jomo
6 – Ilyaas Sheekh Cumar Abuukar
7 –Xasan Cabdi Daa’uud
8 –Sahro Xasan
9 –Saalim Moo Hagi
10 –Cali Maxamed Maxamuud
11 –Yoonis Yaasiin Xaashi
12 – Cilmi Faarax Nuur


“Mudane Ra’iisul Wasaare waxaan halkaan kuugu soo gudbinayaa soo jeedin magacaabis Danjireyaal ka howl geli doona dibadda, si loo dhameystiro danaha Diblomaasiyadeed ee aan ka leenahay caalamka, Mudane Ra’iisul wasaare waxaan kaa codsanayaa in laga ansixiyo golaha.


Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shir guddoominayey kulankii maanta ayaa go’aamiyey in wasiirka arrimaha dibedda uu dib ula laabto liiska xubnahaas ay ansixintoodu dooda ka dhex abuurtay golaha, isla markaana lasoo waafayo hanaanka awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.