X

Sacuudiga oo cimrada siyaasad geliyay iyo wadamo laga reebay gudashada

Sacuudiga ayaa shalay ku dhawaaqay inuu gudashada xajka yar u furey Muslimiinta ku nool dunida caalamka waxase uu ku soo rogey shuruudo ah inay ku talaalan yihiin.


”Waxaan dib u furney cimrada waxana aan ku rajo weynahay in 2 miltyan oo qof yimaadaan oo aduunka oo dhan waxase jirta shuruud ah inay ku talaalan yihiin daawooyinka aan anagu aqoonsan nahay ayaa lagu yiri qoraal.

”Dadka ka imaanaya dalka dibediisa waa inay ku talaalan yihiin sadexda daawo ee anagu aan aqoonsanahay ee kala ah Astara, Faysar iyo Sinofam oo Shiinuhu sameeyo ayaa la raaciyay qoraalka.


Waxa daawooyinkaas aan ku jirin daawadii u horeysay ee Ruushku sameeyay ee Sputnik oo ay ku talaalan yihiin malaayiin Muslimiin badan, taasina waa siyaasad ahaan waxa looga reebay ayuu yiri Marwaan oo ku nool Jejniya, taas oo ka dhigan in dadka aan ku jiro aanan gudan karin cimrada.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.