X

Sacuudiga oo qaaday xayiraada hargabka Karoona iyo qoraal xajka ku saabsan

Sacuudiga ayaa maanta oo Axada qaaday xayiraada hargabka Karoona intiisa badan halka uu usbuucii hore war qoraala ka soo saaray xajka sanadkan. Sanadkan ayaa waxa xajka hurry in aan ka badneyn kun qof oo ku nool Isla Sacuudiga.


Waxa maanta dib loo furey meelaha wax lagu kala iibsado, kuwa wax lagu daawado, kuwa lagu jimicsado iyo maqaaxiyaha. Waxase aan ka ogoleyn in dad badan meel iskugu aruuraan.

Sacuudiga ayaa usbuucii hore war qoraala ka soo saaray xajka sanadkan oo ku beegan bisha Luulyo. ” Waxa xajka gudan kara oo Keliya qof qaata talaalka ayaa lagu yiri qoraalka. Ma sheegin in sanadkan uu u furan yahay muslimiinta caalamka iyo in talaalka ku kooban tahay dadka Sacuudiga degan.


Sacuudiga ayaa sheegay in 6500 qof uga dhinteen hargabka Karoona laakiin ay sheegeen inuu yarryahay faafida guud ee Karoona.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.