X

Sacuudiga oo Yuhuuda u furey hawadiisa si ay uga farxiyaan cajuus Bayden

Sacuudiga ayaa sheegay inuu hawadiisa u furey diyaaradaha Yuhuuda si rasmiya. Yuhuuda ayaa aad u soo dhaweysay ayadoo halkaas ay ku rajo tireen Falastiinta. Cajuus Bayden ayaa u soo baryo tagey Sacuudiga.


Baydan oo Yuhuuda ku soo horeeyay ayaa diidey inuu dib uga noqdo magaalo madaxda uu xagjir Taram u aqoonsaday Al-qudus inay u tahay Yuhuuda. Talaabada Sacuudiga ayaa loo arkaa mid Maxamed Salmaan uu ku soo dhaweysanayo cajuus Baydan.


Baydan ayaa xilligii ololaha sheegay inuu Sacuudiga ka dhigi doono meel gooniya oo adduunku geed ku xidho, haddase waa u soo baryo tagey, wuxuuna ka rabaa inuu saliid badan adduunka ku soo fardhiyo si ay u jabto, Ruushkuna tiisu u jabto.



Isku day hore ayaa fashilmay oo Maraykanku soo direy wasiirkiisa arimaha dibedda. Sacuudiga ayaa hub qayro caadiyo oo balaayiin ku baxdo ka iibsada Maraykanka hubkaas oo intooda badan aan shaqayn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.