X

Sadex caruura oo baddu ku liqdey degmada Berbera iyo sidey wax u dhaceen

Wararka ka imanaya magaalada Berbera ee gobolka Saaxil ayaa sheegaya in badda Berbera ay goor dhaweyd maanta casarkii ay  liqdey saddex caruur ah,kuwaasi oo da’doodu lagu sheegey inta u dhaxeysa 7 illaa 8 sano jir.

Wariye Mukhtaar Cabdiraxmaan,oo ka hawlgala telefiishanka ku hadla afka Siilaanyo ee maamulka Somaliland ,kuna sugnaa goobtii shilku uu ka dhacay ayaa xaqiijyey in saddexda caruur ah ay liqdey badda Berbera goor dhaweyd. Waxaana uu noo sheegey in laba ka mid ah mayd lagu soo saarey,halka mid kalena la raadinayo wali.

Saddexdan caruur ah ayaa la sheegey inay ka soo rawaxeen malcaamad qur’aan ku taalla xaafadda Daaroole ee magaalada Berbera oo ah meel u dhow halka ay badda ka galeen ee agagagaarka xarunta Kalluumeysiga ee Neck Fish ee magaalada Berbera.

Wararka ayaa sheegaya in saddexda caruur ah ay laba ka mid ah ay dhaleen Axmed Haybe Warsame,oo ka mid ah shaqaalaha dekedda Berbera iyo Maxamed Saalax oo isaguna ka mid ah dadka reer Berbera,waxaana la sheegey inuu ahaan jirey ganacsade ka shaqeyn jirey shirkadda sigaarka ee la odhan jirey Bat,halka wiilka saddexaad aan illaa hadda la aqoosan.

Si kastaba ha ahaatee caruurtan yar-yar ayaa badda u tegey inay ku dabbaashaan,waxaana la sheegey inay baddu ku soo caariddey oo ay sidaa ku qaadatay.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.